Kulama ka socda degmada Xudur iyo Muqtaar Rooboow oo Muqdisho ku soo wajahan

Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxaa haatan ku sugan Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo saakay halkaasi tegay kadib markii uu ka yimid meel u dhow deegaanka Abal,kadib dagaalkii uu la galay Al-Shabaab.

Degmada xudur waxa uu kulan kula yeeshay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga soomaaliya taliye ku xigeenka Ciidanka NISA,iyo masuuliyiin kale,waxana hada u socdo shir ay Al-Baabada u xiran yihiin.

Warar ay heleyso Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in Saacadaha nasoo aadan Muqtaar Rooboow iyo Xubnaha ka socda dowladda Federaalka Soomaliya y soo gaari doonaan Muqdisho,islamarkaana Diyaradii soo qaadi lahedy ay ka duushay Magaalada Muqdisho.

Lama oga talaabada xigta ee la qaadi doono,waxana xusid mudan in dowladda Soomaaliya iyo waliba isla Muqtaar Rooboow aysan Go’aan rasmi ah weli gaarin

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media