Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha oo soo kormeeray dhismaha cusub ee Wasaaradda Batroolka

Muqdisho, February, 06, 2016——Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Batroolka ee Xukuumada.

Ujeedada kormeerkan ayaa aheyd markii dib u habayn balaadhan lagu sameeyay Wasaaradda Batroolka oo gabi ahaanba markii hore burbursanayd, waxaana dadaal dheer oo Xukuumaddu ka gashay ka dib u habayn lagu sameeyay.

Ra’iisal Wasaare ku- xigeenku Mudane Carteh wuxuu soo kormeeray dhismaha Wasaaradda Batroolka oo ka koobnaa dhisme saddex dabaq ah, loona qalabeeyay qaab casri ah,Waxaanu amaan iyo mahadcelin u jeediyay Wasiirka W/Batroolka Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo shaqaalaha Wasaarada Batroolka oo xil weyn iska saaray hirgelinta dhismahan cusub.

“Horru-marka ka muuqda Wasaaraddu waxay ku tusaysaa waxqabadka Xukuumada mudadii yarayd ee ay jirtay iyo talaabooyinka hormar ee ay ku talaabsatay” sidaa waxa yidhi Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka DFS.

Kormeerkan uu Mudane Carteh ku tagay Wasaaradda Batroolku wuxuu ka mid yahay la xisaabtanka iyo dhiiri-galinta waxqabadka Dawladda, waxaanu Ra’iisal Wasaare ku –Xigeenku mar walba garab taagan yahay shaqooyinka iyo horu-marka guud ahaan wadanka ka socda.

CARTE2 CARTE1 CARTE

——DHAMMAAD—–

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 
[email protected] 
Twitter: @SomaliPM

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor