Ku-dhawaad saddex kun oo Tahriibayaal iyo Qaxooti oo sannadkan geeriyootay.

Afhayeenka Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IMO), Joel Millman ayaa maanta ka sheegay Shir Jaraa’id in ay Tahriibayaasha sannadkan ku geeriyootay Badda Mediterranean Sea lagu qiyaasay 2,977 Tahriibayaal, halka ay Sannadkan Xeebaha Europe gaareen 250-kun oo qof.

Afhayeenka waxa kale uu tilmaamay tan iyo bishii Maarso ee la soo dhaafay inay maalin kasta Badda ku geeriyoonayaan ku dhawaad 20 Tahriibayaal, kuwaasi oo u badnaa Tahriibayaal Afrikaan oo ku sii jeeday Xeebaha Talyaaniga.

Migrants in a dinghy await rescue by the Migrant Offshore Aid Station (MOAS), around 20 nautical miles off the coast of Libya, June 23, 2016. REUTERS/Darrin Zammit Lupi

©Radio Dalsan