Ku-dhawaad Afar Kun oo Qaxooti Soomaali ah oo la filayo in laga soo masaafuriyo Maraykanka.

Danjiraha Somalia u jooga Maraykanka, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inay Safaaradda ogaatay inay Hay’adda socdaalka Maraykanka qorsheynayaan inay soo masaafuriyaan ku-dhawaad 4,000 oo Muwaadiniin Somali ah oo haatan ku nool dalkaasi.
Ambassador Cawad ayaa hadalkaasi ku sheegaay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da, wuxuuna tilmaamay in Ilo dhinaca Socdaalka gaarsiinayaan Tiradda Guud ee Soomaalida ee laga diiwan geliyey Hay’adda Socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha ee Maraykanka ku dhawaad 4,000 oo qof.

Waxa uu intaasi ku daray in dadkaasi badankooda ku jirin Xarumaha dadka lagu hayo, waxaana dadkaasi ka mid ah kuwo la diiday Codsiyadooda Magangelyo-doonka ah.

Dhinaca kale, Danjiraha Somalia u jooga Maraykanka, Axmed Ciise Cawad waxa kale oo uu sheegay in wax ka yar 300 oo Soomaali ah la qorsheysan in bilaha soo socda laga soo masaafuriyo Mraykanka,
Tan iyo markii Safaaradda Somalia dib looga furay magaalladda Washington bishii November ee sannadkii 2015-kii, Ku-dhawaad 170 Muhaajiriin Somali ah ayaa dib loogu soo celiyey magaalladda Muqdisho.

FILE- Deported Somali nationals gesture as they arrive at the airport in Somalia's capital of Mogadishu, April 9, 2014. Sixty-eight Somalis arrived in Magodishu Friday, having been deported by U.S. immigration authorities.
©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media