Ku-dhawaad 50-qof oo ku geeriyootay Duqeyn maanta ka dhacday Syria.

 

Hadal ka soo baxay Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalkaasi ayaa sheegtay inay ugu yaraan 48-qof geeriyootay, Tobanaan kalena ku dhaawacmeen Duqeyn Diyaaradeed oo lala beegsaday Degmadda Khaan Shiikhuun ee Gobalka Idlib.

Duqeyntaasi ayaa sababtay inay dad badan cabsi iyo itaal darro ka muuqato, halka kuwo kalena ay hunqaacayaan xumbo.

Ilo dhinaca Caafimaadka ayaa Astaamahaasi ku micneeyey inay muujinayso in duqeynta loo adeegsaday Hubka Kiimikadda.

Telefishinka Orient News TV ee taabacsan Kooxaha Mucaradk Syria ayaa sheegy inay Diyaaradaha Raashiya iyo kuwa Syria ka dambeeyeen Duqeyn maanta ka dhacday Degmadda Khaan Shiikhuun, oo lagu dilay 50-qof, laguna dhaawacay in ka badan 150-kale.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media