Ku dhawaad 200 oo ka mid ahaa Ciidamadii dowladda ee D/Balad Xaawo oo gaaray Mandheera

Wargeyska Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay Ciiddankaasi u gudbeen Mandheera, kadib, weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka Dowladda ku lahaayeen Degmadda Beled-xaawo oo masaafo ahaan 4-KM u jirta xuduudka Kenya.

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Saalax ayaa sheegay in Ciiddanka Soomaalida ee soo baxsatay lagu hayo Xarun ku taalla Mandheera, isla markaana lagu sameeyey Hub-ka-dhis dhamaystiran.

“Qaar ka mid ah waxay qabaan dhaawacyo,waxayna hubkooda iyo gaadiidkooda la soo galeen Mandheera” ayuu yiri Xiriiriyaha W/bari ee Kenya.

Waxa uu tilmaamay in Ciiddankaasi dib ugu laaban doonaan Saldhigooda Buulo-xaawo oo ay Alshabaab dib uga baxeen, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale,  Wargeyska Standard ayaa qoray inay Diyaaradaha Helikopteradda ee Ciiddanka Kenya duqeeyeen goobo ku yaalla Degmadda Beled-xaawo oo ay Alshabaab saakayto dagaal kula wareegeen.

Xigasho:Standard Media

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media