Ku-dhawaad 1,800 Tahriibayaal ay Somali ku jirtay oo la badbaadiyey iyo maydad la helay.

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen ku-dhawaad 1,800 Tahriibayaal oo saarnaa 7 dooni oo six ad-dhaaf ah loo soo buux-dhaafshay.

Afhayeenad u hadashay Ciiddanka Badda Talyaaniga waxay kaloo sheegtay in mid ka mid ah doonyahaasi oo ay la socdeen 212-Tahriibayaal laga helay maydadka shan qof oo aan la ogeyn sababaha ay u geeriyoodeen.

Tahriibayaasha oo ka soo ambabaxay Xeebaha dalka Libya ayaa waxaa loo gudbiyey Xarumaha lagu hayo Tahriibayaasha, si looga qaado caddaymaha faraha.

Tahriibayaasha inta badan ka soo gudba Badda Mediterranean ayaa waxay ka soo kala jeedaan Somali, Sudan, Eritrean, Nigerian iyo Suuryaan.

Ku-dhawaad 90,000 oo Tahriibayaal ayaa sannadkan soo gaaray Talyaaniga, iyadoo ay 2,000 oo Tahriibayaal ah sannadkan ku hafteen Badda, xilli ay doonayeen inay soo gaaraan Xeebaha Talyaaniga.