Kooxo hubeysan oo Saakay dilka ka geystay degmada Dharkenleey

Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa la sheegayaa in aroornimadii hore ee saakay ay dilka geysteen Gudaha degmadaas.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Shaqsiga la dilay uu ahaa Macalin Iskuul balse aysan ogeyn sababta loo dilay iyo Shaqooyin kale uu qaban jiray.

Xiliga dilka uu dhacayay ayaa la sheegay in uu ku sii jeeday Goobtiisa Shaqo,balse markii dambe la toogtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa goobta gaaray kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay wallow aysan ku guuleysan in ay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Sidoo kale Maamulka degmada Dharkenley kama hadlin dilkaas,wixii ku soo kordhana radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media