Kooxo hubeysan ayaa Maant waxa ay qeybo kamid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya xili uu ku sugnaa Isgoyska Ceelsha Biyaha.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa ah Goob mashquul badan,waxaana la sheegay in kooxdii dilka Askariga u geysatay ay Goobta isaga baxsadeen.
Qof kamid ah dadka deeganka oo diiday in Codkiisa iyo Magaciisa loo adeegsado qalabka War-Baahinta ayaa sheegay in Askariga la dilay uu kamid ahaa Ciidamada sida joogtada ah ugu sugan Deegaanka Ceelasha Biyaha islamarkaana markii la dilayay uu ku jiray waajibaadkiisa Shaqo.
Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo Goobta ka qaaday Meydka Askariga,waxana ay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka Askariga walow aysan dad u qaban.
Dilka Maanta deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho loogu geestay Askariga ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku soo aadaya xili shalay Ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgal ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha.