Nin ka mid ahaa Ergadii xildhibaanada soo dooratay oo la dilay

Xilligii  laga soo baxay Salaadii Casir ayaa Waxaa Suuqaweyn ee degmada Wadajir waxaa kooxo hubeysan ay ku dileen Nin Oday ah oo  caanka ahaa Gudaha degmadaasi Wadajir,isla markaana la sheegay in uu Ganacsato ahaa.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Dalsan u sheegeen in Ninka la dilay  lagu Magacaabi jiray Macalin Daahir Cali Tifow,isla markaana isaga oo ka soo baxay Masjid uu ku dukaday Salaadii Casir rag hubeysan ay dhowr Xabadooda ku dhufteyn halkaasna uu ku geeriyooday.

Allaha u Naxariistee Macalin Daahir ayaa ka mid ahaa Ganacsatada Suuqa Weyn ee degmada Wadajir,isaga oo gacanta ku haayey ama maamulayey Bangiga Suuqa Weyn,waxaana Warar kale ay sheegayaan in uu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Wadajir ayaa goobta uu dilka ka dhacay gaarey kuwaas oo sameeyey howlgal wallow aysan ku guuleysan in ay qabtaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Magalada Muqdisho ayaa tan iyo markii ay curatay Bisha barakeysan ee Ramadaan waxa ka dhacayey dilal qorsheysan oo ay masuuliyadooda sheegteen Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media