Kooxo Hubeysan oo Dhaawacay Madaxa Sirdoonka Gobolka Nugaal

Rag Hubeysan oo Weli si rasmi ah aan loo aqoonsan ayaa ku dhaawacay Magaaladda Garowe Madaxa Sirdoonka Maamulka Puntland oo Magaciisa lagu sheegay Maxamed Ceydiid iyo Rag ilaalo u ahaa Sarkaalkasi.

Saraakiisha Ammaanka Puntland waxa ay sheegeen in Dhaawaca sarkaalka u yimid kadib markii ay isku dhaceen ilaaladiisa iyo Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Ammaanka Puntland oo iyagga kala shakiyay.

Maxamed Ceydiid waxa dhawaan Xilka Madaxa Sirdoonka Gobolka Nugaal u Magacaabay Madaxweynaha Puntland.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor