Kooxo hubeysan oo Caawa dilka geystay Afgooye

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo Caawa fal dil ah ka geystay Bartamaha Suuqa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxaha hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in Suuqa qaadka lagu iibiyo ee Degmada Afgooye ay ku dileen nin oday ah oo Warar kala duwan a y ka soo baxayaab.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed halka dadka qaar ay sheegayaan in uu ka mid ahaa Odayaasha Degmada Afgooye.

Kooxdii ka dambeysay dilkaas ayaa goobta is baxsaday,waxaana hadda ciidamada dowladda ay wadaan howlgallo baaritaano ah.