Kooxo hubeysan oo Askari ku dilay degmada Yaaqshiid

Koox hubeysan ayaa Maanta waxa qeybo ka mid ah Xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid waxa ay ku dileen Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Askarigaan ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Ciidamada Canshuurta qaada ee loo yaqaano minashiibiyada,islamarkaana xili uu ku jiray howlihiisa Shaqo ay kooxda hubeysan toogteen.

Dilka markii uu dhacay ayaa waxaa mudo daqiiqado ah hakad galay isu socodka dadka iyo Gaadiidka,waxana sidoo kale goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo sameeyay howlgallo baaritaano ah sida uu radio Dalsan u sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee hada na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in kooxdii dilka geysatay goobta ka baxsadeen islamarkaana Meydkii Askarigii ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada goobta laga qaaday xaalada iminkana ay tahay mid degan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media