Kooxda Daalibaan oo sameysay dhacdo dad badan ay ka Argagaxeen

Kooxda Daalibaan ayaa sheegtay in meydad afar ah ay kusoo bandhigeen goob fagaare ah oo ku taalla magaalada galbeedka dhacda ee Herat.

Meydadkan ayay kasoo laalaadiyeen goob si digniin ay ugu diraan kooxaha wax afduubta, afarta qof ee la dilay ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen falal afduub ah oo laga fuliyay halkaas.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa imaaneysaa xilli sarkaal sare oo ka tirsan Daalibaan uu sheegay in ciqaab xad dhaaf ah sida dil iyo gacan goyn ay ka billaaban doonaan Afghanistan.

Raggan meydadkooda lasoo bandhigay ayaa la dilay kadib markii ay rasaas isweedaarsadeen iyaga iyo Taliban, waxaana lagu eedeeyay inay qafaasheen nin ganacsade ahaa iyo wiilkiisa, sida saraakiisha gudaha ay sheegeen.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa waxaa loo sheegay in mid kamid ah meydadka laga soo laalaadiyay wiish gudaha magaalada si farriin loogu diro kooxaha dadka afduubta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor