Kooxda Daalibaan oo la wareegtay Magaalo ku taalla waqooyiga Afganistan

Kooxda Daalibaan ayaa waxay maanta sheegeen inay la wareegeen magaallada KUNDUZ oo caasimad u ah  Gobalka Kunduz ee Waqooyiga dalkaasi. Waa magaalladii 3-aad ee ay Daalibaan la wareegaan saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Hadal-qoraal oo ay soo saareen ayey ku sheegeen inay qabsadeen Xarumihii Dhexe ee Boliska, Dhismaha Guddoomiyaha Gobalka KUNDUZ, Dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xabsiga Dhexe ee magaalladdaasi.

Ilo Deegaanka iyo Suxufiyiin ku sugan KUNDUZ waxay Telefishinka Aljazeera u xaqiijiyeen Dagaalamayaasha Daalibaan ku sugan yihiin Caasimadda Gobalkaasi ee KUNDUS, isla markaana ay Calankooda qotomiyeen bartamaha magaalladda iyo Dhismayaasha ay la wareegaan.

Qabsashadda Daalibaan ee ay maanta kula wareegeen magaalladda KUNDUZ ayaa timid, kadib, markii ay labadii maalmood ee la soo dhaafay  la wareegeen Caasimadaha Goballadda NIMRUUZ iyo JOWZJAN.

Daalibaan waxay Gobalka KUNDUS horey u qabsadeen sanadihii 2015-kii iyo 2016-kii, ka hor inta aan laga saarin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor