Kooxda Daalibaan oo fogaan yar u jirsaday Caasimadda Afganistaan

Saraakiisha dalkaasi ayaa sheegay inay Maleeshiyada Daalibaan ku sugan yihiin meel wax ka yar 80 KM dhanka Koonfureed kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Kabul.

Warar ayaa sheegaya inay Daalibaan doonayaan inay Kabul la wareegaan ka hor bishan Agost 30-da oo ah maalinta ugu dambaysa ee Ciiddamadda Isbahaysiga Maraykanka isaga huleeli doonaan dalkaasi oo ay ku sugnaayeen tan iyo dabayaqadii sanadkii 2001-dii.

Sidoo kale, Kooda Daalibaan waxay Waaberigii hore ee saakayto weerar dhowr jiho ah ku qaadeen magaalladda Mazaara-Shariif, iyadoo dagaal culus uu ka socda duleedka magaalladaasi.

Madaxweynaha Afganistan, Ashraf Qaani waxa uu Arbacadii hore booqday magaalladda Mazaara Shariif, isagoo kulamo la yeeshay Taliyayaasha Maleeshiyooyin daacad u h Dowladda.

Dhinaca kale, Daalibaan waxay la wareegeen Idaacadda weyn ee ku taallay magaalladda Khandahaar ee Koonfurta dalkaasi, oo ay Maleeshiyada la wareegeen Isbuucii hore.

Idaacadda waxaa magaceeda lagu bedelay Codka Shareecadda, iyadoo dhamaan Shaqaalaha Idaacadda joogaan, waxay baahin doonaan Wararka, Falaanqeynta Siyasadda iyo Quraanka Kariimka.

Daalibaan waxay sanadihii la soo dhaafay adeegsan jireen Idacadaha Nooca Guur-guura, mana jiraan Idaacado ay Daalibaan leeyihiin oo ka hawl-gala magaallooyinka waa weyn, tan iyo muddadii ay dalkaasi xukumayeen sanadihii 1996-kii ilaa 2001-dii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor