Kooxda Daacish oo sheegatay Masuuliyada weerar lagu dilay 28 Qof

Kooxda la baxday Dawladda Islaamka ayaa sheegatay in ay iyadu ka dambaysay weerarkii lagu hoobtay ee Jimcihii lagu qaaday Masiixiyiinta Masar.

Sideed iyo labaatan qof ayaa la dilay markii rag madaxa soo duubtay ay rasaas ooda kaga qaadeen bas siday koox Masiixiyiin Qibdiyiin ah oo ku sii socday meel macbad ah.

Xalay ayaa boqolaal qof oo u baroor diiqaya dadkaa la laayey waxay ka qayb galeen aaska dadkaa la laayey.

Milatariga Masar ayaa weerarkaa kaga falceliyey weerarro xiriiraoo ay xalay ku qaadeen diyaaradahooga dagaalku xeryo tababar oo ay kooxdu ku leedahay dalka ay deriska yihiin ee Libya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media