Kooxaha Xag-jirka oo laga digay inay weeraro Droneska ku qaadaan Britain.

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa London ayaa qoray inay Cilmi-baaris ay samaysay Jamaacadda Oxford inay ka digeen inay suurtogal tahay in ay Kooxo Xag-jirayaal u adeegsan karaan  Diyaarado Drones oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa inay la beegsadaan Gaariga Ra’isul-wasaare David Cameron, Saldhigyadda Nukliyeerka, Safaraadaha Shisheeyaha iyo goobaha kale ee xasaasiga ah.

Baaritaankaasi waxaa kaloo lagu sheegay inay suurtogal tahay in ka badan 200 Diyaaradaha Droneska laga iibsado goobaha ganacsiga ama Internetka, kuwaasi oo qaadi kara waxyaabah qarxa.

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor