Kooxaha Burcad Baddeeda oo afduubtay Markab laga leeyahay D/Iiraan

Dowladda Iiraan ayaa xaqiijisay in Markab Ganacsi oo laga leeyahay dalkeeda laga Afduubtay Xeebaha Maamulka Puntland islamarkaana iminka markabkaas lau heesto Xeebaha Magaalada la yiraahdo Gardafuu oo ka tirsan Gobolka Bari.

War-Baahinta Dowladda Iiraan ayaa shaacisay in haatan uu socdo dadaalo lagu doonayo in markabkaas lagu soo furto kaas oo ay wadaan iyaga iyo Maamul Goboleedka Puntland.

Afhayeenka Ciidaka Badda ee Midowga Yurub ee ka howlgalla Soomaaliya Louise Tagg ayaa sheegay in ay haatan u muuqato in Kooxihii Burcad Baddeeda Soamalida ay dib usoo laabanayan islamarkaan uu Gacanta u galay Markabka Ganacsi ee dowaldda Iiraan ay leedahay.

Waxa kaloo uu sheegay in tani ay keentay gaabis ku yimid howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda Somaalida ee ka socday xeebaha dalka Somaaliya taasina ay keeni karto in Maraakiib kale la afdubto.

Bishii la soo dhaafay ee November Warixin ay qorat Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Sadax Sano kadib Kooxihii Burcad Baddeeda ay dib usoo laabteen taasina ay tahay caqabad horleh oo timid

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media