Koox K/cagta oo ka dhisan dalka Qatar oo Kaalmo u ururinaysa dadka ku macluulsan Somalia.

Naadiga Al-sad Sports Club oo ka mid ah Kooxaha Heerka 1-aad ee K/cagta ee dalkaasi ayaa ku dhawaaqday in Kharajka ka soo xeroodo Kulanka ay Kooxdaasi caawa la yeelan doonto Kooxda Al-rayyan inay ugu deqi doonaan dadka ku macluulsan Somalia.

Kulankaasi ayaa waxa uu ka dhici doonaa Garoonka K/cagta ee Jassem Bin Hmaad Stadium oo ku taalla caasimadda dalkaasi ee Doha.

Qoraal ay Naadiga Al-sad Sports Club soo dhigeen Barta ay ku leeyihiin Twitter-ka ayaa lagu qoray:  “Ku soo biira Hawlaha Samafalka Shaqo, iyadoo lala kaashanayo Naadiga Xiddigaha Qatar”.

Waxaa kaloo lagu qoray Twitter-ka in Naadiga Alsad shaacinayso in saamiga Kharajka ka soo xerooda Ciyaarta Al-Rayyan loogu talagalay Hawlaha Samafalka ee Somalia.

Naadiga K/cagta ee Al-sad Sports Club waxay Kaalinta Labaad kaga jiraan Kala-horreynta Kooxaha, iyadoo leh 54-dhibcood, halka Kooxda Al-Rayyan oo kaalinta 3-aad ku jirta leedahay 47-dhibcood.

Al-Sadd Sports Club

ساهم بالعمل الخيري بحضورك.. بالتعاون مع نادي السد يعلن تخصيص دخل مباراة لصالح حملة إغاثة

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media