Koox isku magacowday Jahba East Africa oo sheegtay inay u daacad yihiin Kooxda Daacish ee gudaha Somalia.

Koox cusub ayaa sheegtay inay yihiin Maleeshiyadda Kooxda Dacaish u joogta Bariga Afrika. Isla markaana uu Waa’ Cusub ka dhashay Gobalka Geeska Afrika.

Cinwaanka cusub ee Twitterka ee Kooxda Jahba East Afrika waxay shalay soo dhigeen Baaq ku wajahan inay Jihadistayaasha ku soo biiraan, isla markaana uu Waa’ Cusub u imaanan doono Bariga Afrika sida ugu dhaqsaha badan, waa sida lagu xusay Twitterka Jahba East Africa.

Kooxdaasi soo saartay Bayaan waxay ku sheegeen inay u daacad yihiin Hoggaamiyaha Daacish, Abu Al-baqdaadi, isla markaana u aqoonsan yahay inuu yahay Hoggamiyaha Saxda ee dhamaan Muslimiinta, waa sida ay ku xuseen Bayaankooda.

Kooxdaasi (Jahba East Africa) oo aan weli magacooda la aqoonsanin waxay qoraalkooda ku sheegeen inay Taageerayaashooda horey qeyb uga ahaayeen Alshabaab, waa sida ay sheegatay Kooxda cusub ee taageersan Hoggaamiyaha Daacish.

Kooxda Jahba East Afrika waxay si kululu naqdiyeen Alshabaabka taageersan Ururka Alqaacida iyo weeraradda ay ka fuliyaan Kenya iyo dalal kale oo ku yaalla Gobalka.

“Annaga, Jahba East Afrika waxaan kula talinaynaa dadka ka soo jeeda Bariga Afrika inay isaga tagaan Alshabaab iyo Kooxaha kale ee gacansaarka la leh, sida Almuhaajiruun, Al-hijra iyo Ansaar Islaam” ayaa lagu yiri Bayaanka Kooxdaasi oo sheegtay inaysan Alshabaab fahamsanayn  Waajibaadka uu qabanayo Hoggaamiyaha Daacish.

Bayaanka Jahba East Afrika waxaa loogu sheegay Mujaahidiinta Bariga Afrika inay Alshabaab noqdeen sidii Xabsi dhibaateeya maskaxda iyo jirka, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Afhayeen u hadlay Jahba East Afrika ayaa sheegay inay Kooxdiisa o odhawaan la asaasay ka kooban yihiin Maleeshiyooyinkaa ka dagaalanta gudaha Somalia ee ay ku jiraan Kenyan-ka, Tanzanians-ka iyo Ugandans-ka.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Kooxda Daacish waxay fahaamsan yihiin inay Hoggaamiyayaasha Alshabaab qaarkooda horey ugu dhawaaqeen inay taageersan yihiin Daacish, kuwaasi oo soo bandhigay dhowr Muuqaal Video oo ay isugu yeereen inay yihiin Wilaayat Somalia ee Kooxda Daacish.

Bayaan kale oo ay Alshabaab soo saareen bishii September ee sannadkii hore waxay ku sheegeen inay weli daacad u yihiin Ururka Alqaacida, waxna iska bedelin Mowqifkooda, iyadoo loo digay Maleeshiyadda sheegata inay ku biireen Daacish in la ciqaabi doono.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor