Koox hubeysan oo weerar Gaadmo ku dishay Dad badan oo kusii jeeday Suuq

Kooxo hubeysan ayaa bartamaha dalka Maali waxa ay weerar ku qaadeen bas ku sii jeeday suuq maxalli ah, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 31 qof.

Maamulka Mali ayaa sheegay in baska la bartilmaameedsaday uu todoobaadkii laba goor ka soo baxo tuulada Songho.

Waxa ay sheegeen in kooxda hubeysan ay dileen darawalkii gaariga, kadibna ay dab qabadsiiyeen baska,halkaas oo ay ku dhinteen dadkii la socday.

Tuulooyinka uu u kala goosho baskan ayaa waxay ka tirsan yihiin gobolka Mopti, halkaasoo sannadihii u dambeeyay ay ka dhaceen rabshado, kuwaas oo ay ka dambeeyeen fallaagada xiriirka la leh Al-Qaacida iyo kooxda Daacish.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor