Koox hubeysan oo Nin Ganacsade ahaa ku dilay degmada Dharkenley

Koox hubeysan oo looga shakisan yahay Al Shabab ayaa xalay saalada subax kadib waxa ay toogten Adan Afgooye oo ahaa nin ganacsade ah oo degannaa degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan ayaa Adan ku toogtay agagaarka Masjidka Al Salaama ee degmada Dharkenley kadib markii uu salaada ka soo baxay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Adan uu kamid ahaa dad deegaanka ka tirsan oo laba cisho ka hor maamulka degmada uga warbixiyay dhibaatoyin ka dhan Al Shabab,kadib markii ay salaada wada tukten gudoomiyaha degmada.

Adan Afgooye ayaa dhawaan ka soo laabtay gurbaha sida wararka qaar ay sheegayan,weli ma jirto faahfaahin badan oo ku saabsan dilkiisa.