Koox hubeysan oo laba Dhalinyaro ah ku toogtay Muqdisho

Rag hubeysan ayaa goordhow suuqa Bakaaraha waxaa la sheegay in ay ku dileyn laba Dhalinyaro ah,iyaga oo intadi kadib baxsaday.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska Bakaaraha ee degmada Howl-wadaag,sida ay Dalsan u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

“Anaga oo meesha joogno ayaa rasaas maqalnay kadib waxaa aragnay laba ka mid ah dhalinyarada baaburta  lacag ka qaadi jiray oo meesha yaalla manaqaano waxa dilay laakin isgosyka bakaaraha oo dhan waa laga yaqaanay,goobta waa lagu kala cararay ciidao ayaa hadda baaritaano wada laakin weli ma aerkin dad ay qabteen ayuu yir mid ka mid ah dadka ku Ganacsada Isgoyska Bakaaraha.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn Isgoyska Bakaarah ayaa goobta gaarey kuwaas oo haatan howlgal baaritaano ah ka wada.

Shalay ayay aheyd markii laba ka tirsanaa Askarta dowladda lagu dilay Busjeeda Gawaarida Baydhabo aada laga raaco ee suuqa Bakaaraha iyo qof Shacab ah oo ku dhintay is rasaaseyn dhexmartay raga hubeysnaa iyo askartii la dilay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media