Koox Dhalinyaro ah oo Nin tooreey ku dishay Xaafada Xamar jadiid

Xaaafada Xamar Jadiid ee degamda Warta-Nabada ee Gobolkaan Banaadir waxaa maanta ka dhacday dhacdo aad ay uga naxeen dadka ku nool Xaafadaas.

Koox dhalinyaro ah oo ku hubesnaa Qalabka Mindiyaha ayaa waxa ay weerareen islamarkaana tooreey ku dileen Nin qabay Gabar ay Ehelo ahaayeen.

Qof ka mid ah dadka deriska ah Ninka la dilay ayaa Radio Dalsan u sheegay in dhalinyaradaan ay Ninkaasi dileen kadib markii xaaskiisa oo ay ehelo ahaayeen uu xoogaa muran soo kala dhex galay.

Dhacdadaan ayaa aad ula yaabay dadka ku nool Xaafada Xamar Jadiid ee degmada Warta-Nabada,waxana hada halkaasi ku sugan ehelada Ninka la dilay iyo dad aad u yaqaanay oo ka naxay dilkiisa.

Xiriir ayaan la sameynay maamulka degmada Warta-Nabada si aan wax uga weeydiino halka ay ku dambeeyaan dhalinyaradii ka dambeysay dilka Ninkaas,balse nooma suurtagelin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media