South Afrika oo xabsi nus qarni ah ku riday Muwaadin Somali dilay Somali kale.

Maxkamadda Sare ee magaalladda Johanesburg ee dalka Koonfurta Afrika, waxaa la soo taagay Muwaadin Somali ah oo ku eedeysan inuu dilay Nin kale oo Somali ah.

Afhayeenka Boliska, Xoli Mbele ayaa sheegay inay Maxkamadda bishan December 6-diii ku xukuntay  Gacan-ku-dhiigle Yoonis Yuusuf Maxamed xabsi 50-sanno ah, kadib, markii lagu helay inuu dilay Marxuum la oran jirey Ilyaas Maxamed C/maalik.

Gacan-ku-dhiiglaha ayaa la sheegay inuu bishan December 3-dii ku dilay Marxuumkaasi deegaanka loo yaqaano Mayfair, kadib, markii uu muran ku dhex maray goob lagu ciyaaro Bilyaardiga.

Afhayeenka waxa uu sheegay inay dadka Deegaanka gacan ka geysteen sidii loo soo qaban lahaa Gacan-ku-dhiiglaha oo baxsaday.

Dhinaca kale, Bistooladda uu gacan-ku-dhiiglaha dilka ku geystay ayaa la sheegay inuu ka soo xaday Deegaanka Edenvale bishii November 10-dii ee sannadkii hore.

 

jb 1

JB Court

© Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor