Koonfur Galbeed oo ka hor-timid Go’aankii DFS xiriirkana u jartay Qatar

War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamul-gobaleedka K/galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu muujiyey Mowqifka Maamulkiisa ka taagan yihiin Xiisadda ka taagan Gacanka Carbeed ee ay Dowladaha Isbahaysiga Sacuudiga ku go’doomiyeen Dowladad Qatar.

Qoraalka waxaa lagu xusay inaysan Dowladda Federalka wax La-tashi ah kala sameynin Maamul-gobaleedyadda iyo Dadweynaha Go’aankii ay bishii June 6-dii ee sannadkan 2017-ka ka gaareen Xiisadda u dhexeysa Dowladda Qatar iyo Dowladaha Isbahaysiga la ah Sacuudiga.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay inay  Dowlad-gobaleedka K/galbeed ka sheegeen Shirkii ay Hoggaamiyayaasha Siyaasadda dalka bishii July ee sannadkan ku yeesheen magaalladdan Muqdisho inaysan Somalia dhexdhexaad ka noqon Karin Xaalladaasi, iyadoo la eegayo Xiriirka qotada dheer ee nagala dhexeeya dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.

War-saxaafadeedka waxaa lagu muujiyey inay Somalia iyo Imaaraadka Carabta lahaayeen xiriiro Taariikhi, Ganacsi. Dhaqan  iyo Iskaashi oo Qarniyo badan, kaasi oo markii dambe dhaliyey inay Imaaraadka noqdaan dalka keliya ee Iskaashiga ugu ballaaran ee  Ganacsiga la leh Somalia.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowlad-gobaleedka K/galbeed waxa kaloo  lagu sheegay inuu xiriir noocaasi ka dhexeeyo Samalia iyo Sacuudiga.

Ugu dambeyntii, War-saxaafadeedka waxaa lagu xusay inay Dowlad-gobaleedka K/galbeed ka fursan wayday inay la saftaan dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadda ay Maamulkaasi Isbahaysiga kula noqdeen Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa ku soo beegantay iyadoo Maamulladda Puntland iyo Somaliland horey u qaateen go’aan noocaasi oo kale.

Si kastaba ha ahaatee, Go’aanadaasi waxay oof-wareen ku yihiin Go’aankii DFS ee ay dhexdhexaadka kaga noqotay Xiisadda Siyaasadeed ee u dhexeysa Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn ee ay ku go’doomiyeen dalka Qatar

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media