Koonfur Galbeed oo Ciidamo iyo Saanad Meleteri geysay degmada Xudur

Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa shalay gelinkii dambe gaaray Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka amniga Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed Eelaay,waxaana qeyb ka ahaa taliyaha Ciidamada Booliiska gaarka ah ee Koonfur Galbeed Shiine Nuur Macalin.

Wafdiga ayaa booqday Saldhiga ciidamada xoogga dalka ee degmada xudur,iyo kuwa Booliska gaarka ah,iyada oo ay halkaasi geeyeen Saanad meleteri.

Ciidmada dowladda Soomaaliya ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan waxa ay ka wadaan deegaano hoostaga degmada Xudur,waxaana xusid mudan in Maleeshiyaad uu wato Muqtaar roobooy ay iyana ku sugan yihiin deegaanka Abal halkaas oo uu kula dagaalamy Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya ay halkaasi dhaq dhaqaaqyo ka wadaan,kadib dagaalkii u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Maleeshiyada taabcsan Muqtaar Rooboow.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media