Kim Jong-un oo ka dhawaajiyay in dalkiisa uu u dhexeeyo Nolol iyo Geeri

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in dhaqaalaha liita uu sanadkan noqon doono muhiimadda koowaad ee dalkiisa iyadoo dalkaasi uu wajahayo “hardan nolol iyo geeri u dhaxeeya”

Wuxuu ka hadlayay shirka xisbiga talada haya, oo ku soo aaday sana-guurada 10-aad ee uu Kim xilka hayo.

Kuuriyada Waqooyi ayaa la daalaa dhacaysay cunno yaraan baahsan, kaddib xayiraad uu iskiis dalkaas u soo rogay sababo la xiriira xanuunka Covid-19.

Khudbadiisa si toos ah uguma uusan soo qaadin Mareykanka amaba Kuuriyada Koofureed.

Kim ayaa sheegay dardargelinta horumarinta nolosha dadka ay tahay muhiimadda koowaad.

Wuxuu garwaaqsaday xaaladaha adag ee 2021 uu dalkaasi baday iyo muhiimadda ay leedahay in la xalliyo dhibaatada cuntada, dharka iyo guryaha ee ay dadku qabaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor