Kiiska Saxafiyad Talyaani oo 24-sanno ka hor lagu dilay Somalia oo laga yaabo in mar kale dib loo furo

Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa shaacisay in la helay Codad cusub o ola duubay, taasina ay horseedi karto in dib loo furo Kiiska dilkii Saxafiyadda Ilaria Alpi oo u dhalatay dalka Talyaaniga iyo Sawir-qaade Miran Hrovatin, kuwaasi oo bishii Maarso 20-dii ee sannadkii 1994-kii lagu dilay magaalladda Muqdisho.

Ilaria Alpi oo 32-jir ahayd iyo Miran Hrovatin oo 45-jir ahaa ayaa la sheegay inay 7 dabley ah jidka u galeen, kadibna toogteen, xilli ay marayeen waddo ku taalla magaalladda Muqdisho. jidka lo ogalay

Ilo Garsoorayaal ayaa sheegay  inay hayaan Codad cusub oo sannadkii 2012-kii laga duubay dad Somali ah oo ku sugan Talyaaniga, kuwaasi oo ka wada hadlayey dilkii  Ilaria Alpi  iyo Miran Hrovatin

Ilaha Garsoorka ayaa sheegay in Codadkaasi laga sameeyey magaalladda Florence, xilli baaritaan lagu hayey Gaadiidka Milliteriga Talyaaaniga ee sida Kontorobaanka loogu dhoofinayey Somalia.

15 qof oo Somali ah ayaa lagu hayey baaritaan, kuwaasi oo 4 ka mid ah lloo yeeray.

Codadka Soomaalida oo la turjumay ayey Baarayaasha Dacwadaha ee  magaalladda Florence  u soo direen  Haweeneyda Dacwad-oogaha ka ah magaalladda Rome, Maria Rosaria, waxayna shalay buuxisay Baaritaanka Hordhaca ee Kiiskaasi.

Dacwad-oogayaasha ayaa la sheegay inay isbuucyadda soo socda ka shaqeyn doono Dukumentiga laga turjumay Codadka laga duubay Wada-sheekeysi dhex maray dad Somali ah oo ku nool gudaha Talyaaniga.

Dhegeysiga Kiiskaasi ayaa la filayaa in la qabto bisha June 8-da, iyadoo Garsoorad lagu magacaabo ANDREA FANELLI soo bandhigaysa Codadka Cusub  ee la duubay iyo Dukumenti ay buuxiyeen Qoyska Saxafiyadda la dilay ee Ilaria Alpi.

Dhinaca kale, Hooyadda dhashay Saxafiyadda la dilay oo lagu magacaabo LUCIANA ayaa sheegtay inay qoraal kooban ka qoratay Caddaynta Codadka Cusub, waxayna xustay inaysan doonaynin inay rajadeyda kor aado.

Kiiska dilka Saxafiyadda Ilaria Alpi. iyo Sawir-qaade Miran Hrovatin waxaa horey loogu haystay Xaashi Cumar Xasan, kaasi oo ku-dhawaad muddo 17 sanno ku xirnaa Xabsi ku yaalla Talyaaniga. Inkastoo markii dambe lagu waayey Kiiskaasi.

Bishii October ee sannadkii 2016-kii, ayey Maxkamad ku taalla magaalladda PERUGIA  waxay dib-u-eegtay Kiiska Xaashi Cumar Xasan, iyadoo Dacwad-ooge lagu magacaabo DARIO RAZZI  u sheegay Maxkmaadda inuusan Xaashi Cumar Xasan gelin Kiiskii uu u xirnaa.

Xaashi Cumar Xasan waxaa bishii Maarso 30-dii ee sannadkan magdhow ahaan loo siiyey in ka badan 3 million oo EURO oo ah,  sida qaldan ee loogu soo oogay Kiiskaasi iyo muddadii uu Xabsiga ku jiray.

Dhinaca kale, Axmed Cali Raage “Geelle” oo ahaa Markhaatigii muhiimka u ahaa Kiiskaasi ayaa ka laabtay Markhaai ahaanta, wuxuuna Wareysi uu bishii Feberaayo ee sannadkii 2015-kii siiyey Telefishinka Talyaaniga RAI ku sheegay in laga codsaday inuu markhaati been ah ku caddeeyo Kiiska loo haystay Xaashi Cumar Xasan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media