Kiiska Ninkii Soomaaliga ee weerarka ka geystay dalka Kanada oo dib loo dhigay

Abdulahi Hassan Sharif oo 30-jir ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Edmonton ee Gobalka Albert ee dalkaasi, isagoo lagu soo oogay 11-Kiis oo ay ku jiraan inuu tooreey ku dhaawacay Sarkaal Bolis iyo inuu dhowr qof  jiirsiiyey gaarigiisa habeenkii Sabtida ee la soo dhaafay.

Eedeysanaha ayaa la keenay Maxkamadda isagoo watay Dharka Maxaabiista ee midabka Jaallaha leh, iyadoo uu Nin Somali turjumaan ka ahaa qaadista Dacwadaasi.

Madasha Maxkamadda waxaa joogay qaar ka mid ah Jaalliyadda Soomaalida ku nool Edmonton, kuwaasi oo horey u cambaareeyey Weerarkaasi.

Hoggaamiyaha Jaalliyadda oo lagu magacaabo Maxamed Akord oo aan la hadlin Eedeysanaha ayaa sheegay inuu Mujtamaca Soomaalida ka maqlay inuu Eedeysanaha ka soo jeeda Beelaha laga tirade badan ee Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Qareenka Eedeysanaha oo lagu magacaabo Jaadi Mustarax ayaa sheegay in Ogeysiis Kooban loogu sheegay inuu dhinaca Sharciga ka taageero Eedeysanaha, wuxuuna xusayin loo baahan yahay in la helo Qareen kale si ay Dacwadda u sii socoto.

Dhinaca kale, Xeer-beegtida Maxkamadda Edmonton ayaa amartay in Eedeysanaha Abdullahi Hassan Shariif lagu sii hayo Xabsiga, iyadoo Dacwadiisa dib loo dhegeysan doono bisha November 14-da ee sannadkan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media