Khudbadda Madaxweynaha ee furitaanka Kalfadhiga Lixaad ee Baarlamanka Federaalka

Bismillahi Alxamdu lillaah wa salaatu wa salaamu calaa rasuul lillaah.

Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya
Xubnaha Golaha Wasiirrada
Xubnaha Baarlamanka iyo Marti-sharafta kale

Waxaa farxad maanta ii ah inaan halkan isagu nimaado munaasabadda furitaanka kalfadhiga lixaad ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xubnaha Golahan, Guddiyada Joogtada ah iyo Guddoonka sidii habsamida lahayd ee ay u socdeen howlaha barlamaanka mudadii la soo dhaafay. Waxaan ku bogaadinayaa xubnaha Golaha howshii ay soo qabteen xilliga fasaxa lagu jiray. Waxaa xusid mudan in qaar badan oo xildhibaannada ka mid ah ay howlo qaran u tageen deegaanno kala duwan oo dalka ah, taasi waxay calamad u tahay dareenka soo kordhaya ee xubnahan inay metalaan deegaanno iyo sidoo kale sida dadweynaha deegaannadaas u soo dhaweeyeen Xildhibaannada.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Waxaan halkan tacsi uga dirayaa Xubnahii geeriyooday xilligii uu Golaha fasaxa ku jiray, waxaanna Ilaahay uga baryayaa inuu siiyo naxariistii janno.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Munaasabadda furitaanka kalfadhigaan golaha shacabka waxaan jeclahay inaan idin la wadaago xaaladda guud ee dalku marayo, meesha aan hiigsanayno iyo howlaha la inooga baahan yahay.

Hiigsiga 2016

Dhamaanteen waxaan isla garannay in xilliga uu dhamaanayo jiritaanka barlaamaanka iyo hay’adaha kale ee dawladda aan ku soo gunaanadno dhismaha hay’ado la soo doortay oo ka horumarsan xagga sharciyadda looguna sii dhawaanayo bartilmaameedka dimoqraadiyad dhammeystiran oo ka hanaqaadda dalka Soomaaliya. Si taasi u suurto gasho waxay dawladdu qaadday tallaabooyinka soo socdo:
1. Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka: Waxaa la meel mariyay sharcigii lagu dhisayay guddiga madaxa bannaan oo uu golahaan ansaxiyay. Sidoo kale waxaa barlamaanku sameeyay Guddiga la Socodka ama kor ka eegista oo ah kan hagaya hannaanka dib u eegista dastuurka. Dastuurkeennu waa inuu noqdaa mid ku yimaada wada tashi ballaaran iyo ka qaybgal bulsho.
2. Dhismaha Maamul Goboleedyada: Soomaalida waxay ku maahmaahdaa “ Haan Gunta ayeey ka Tolantaa”, sidaa awgeed dawladdu waxay ku guulaysatay in tallaabooyin cadcad loo qaado dhismaha maamul goboleedyo KMG oo markii ay hay’adihii iyo dastuurkiiba noo dhamaystirmaan noqon doono dowlad goboleedyo rasmi ah. Hawlihii maamul dhisidda oo ah waajib sanado badan la dib dhigayay waxaan u aragnaa inay u baahan tahay dulqaad iyo in bulshooyinka deegaannada ku heshiiyaan waxa danta guud ku jirto. Waxaan u rajaynayaa gobollada dhexe iney ku guuleystaan maamul dhisidda, sidoo kalena la billaabo howlaha maamul dhisidda gobollada inta hartay.
3. Waxaan ku faraxsanahay in qaar badan oo golahan ka tirsan ay waqti badan la qaateen deegaannada ay ka soo jeedaan bilahii la soo dhaafay, howlo badanna ka qabteen dib u heshiisiinta iyo isfahamka bulshada.
4. Waxaa jira dareen ay dadku qaar qabaan oo ah in dalka iyo dadku kala qoqobmayaan, waxaan leeyahay taasi ma dhacayso. Bilahii la soo dhaafay waxaan ku howlanaa kulamo joogto ah oo aan la lahaa qaybo badan oo bulshada ah, waxaa i soo jiitay sida bulshadeennu ugu dheggan tahay midnimada, qaranimada iyo dawladnimada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaan wada tashi joogto ah la sameeyaa madaxda maamullada, waxaanna dhawaan tagayaa Puntland oo aan kula kulmayo madaxweynayaasha maamul goboleedyada. Waxaa la inooga baahan yahay inaan ogaanno in ay na saaran tahay mas’uuliyadda midnimada, qaranimada iyo madaxbannaanida dalka.
5. Doorashooyinka 2016.

Ma filayo inuu qarsoon yahay mawqifka ay isku raacsan yihiin dhammaan hay’adaha dawladda oo ah in la qabto doorashooyin sannadka 2016. Xukuumadda waxay diyaarisay sharciga xisbiyada iyo sharciga doorashooyinka, sidoo kale waxay maalmo dhaw idiin soo gudbinaysaa xubnaha guddiyada madaxbannaan ee doorashooyinka iyo kan Federaalka si aad u ansaxisaan. Sidoo kale Golaha Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda dastuuriga ayaa dhawaan la horkeenayaa Golahaan. Sharciyadan iyo hay’adahan waxay saldhig u yihiin in si habsami leh u dhacdo doorashooyinka 2016.

Xaaladda Amniga iyo Dib-u-dhiska Ciidanka

Sidaannu wada ogsoonnahay amniga waa tiirka nolosha, haddii aan la helinna aanay suurtogal ahayn inaan ku naalloonno dawladnimo iyo horumar. Markaan dib u milicsado xaaladaheenna, waxaa la qaaday talaabooyin horumar leh oo aan la inkiri karin. Maanta dalka intiisa badan, oo ay ka mid yihiin dhammaan xeebaha iyo dekedaha dalkeenna, waxaa laga xoreeyay kooxha nabad diidka ah ee u guntatey inay gumaaddo shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo samaynaya wax kasta oo cabsi galiya dadka Soomaaliyeed, kuna abuura rajo beel iyo karaamo darro. Guulaha la gaaray waxaa mahaddeeda leh Ciidamada qalabka sida iyo ciidamada ay kaashanayaan ee AMISOM. Qorshaheenna dhaw waa in laga xoreeyaa cadawga dhamaan degmooyinka iyo gobollada dalka inta aanu dhammaan sanadka 2015.
Mar kasta oo amniga la soo qaado waxaan garanayaa inu saldhig u yahay dhismaha ciidan qaran oo tayaysan. Dawladeennu waxay dhaxashay ciidan ku abuurmay xaalad adag oo la xiriirta colaad socota, dhaqaale la’aan, qalab la,aan iyo nidaam darro. Duruufahaas adag oo jiray waxay keeneen in ciidankeenna oo naftooda huraya misana loo arko inaanu ahayn ciidankii loo baahnaa. Muddadii la soo dhaafay waxaan qaadnay tallaabooyin cadcad oo ah in la tayeeyo ciidankeenna iyadoo waliba uu dagaal ku jiro ayna jiraan duruufahaa adag ee inagu xeeran. Talaabooyinkaas xusidda mudan waxaa ka mid ah:
6. In dawladda soomaaliyeed ay qaadato masuuliyadda dhismaha ciidankeeda. Laga bilaabo bilowgii 2013 mushaaraadka iyo raashinka ciidanka waxaa bixiya dawladda Soomaaliyeed. Sidoo kale qalabka iyo saanadda dagaal ee ciidankeennu isticmaalo waxaa u howlgalay, kharash badanna ku bixiyay dawladda soomaaliyeed.
7. Waxay dawladdu hirgalisay qaab-dhismeedka dhammaan hoggaanada ciidamada XDS, waxayna ka howlgalaan xaruntii taariikhiga ahayd ee taliska ciidanka XDS.
8. Waxaa socoto howsha dib u habaynta ciidanka oo ay ka mid tahay isku dhafka ciidanka XDS ee jooga gobollada dalka ee kala duwan, kuwaas oo dhammaantood hoos imaanaya Taliska guud ee XDS.
9. In dhammaan golayaasha looga doodo amniga Soomaaliya mudnaanta la siiyo tayaynta ciidanka XDS. Ma jiro go’aan ka soo baxay UN, AU iyo IGAD oo aan lagu xusin mudnaan siinta dhismaha ciidanka Soomaaliya. Waxaannu ku guulaysannay in qayb ahaan cunaqabataynta hubka laga qaado dawladda Soomaaliyeed, si ay noogu hirgasho tayaynta iyo qalabaynta ciidanka.
10. Waxaan doonayaa inaan halkan ka xuso doorka muhimka ah ee ay leeyihiin ciidamada AMISOM iyo dawladaha ku deeqay inay dalkeenna u soo diraan ciidan u hura naftooda, mar kale iyo mar kale waan u mahadcelinayaa. Waxaan doonayaa inaan idiin sheego inay socdaan doodaha sidii uu ciidankeenna u hanan lahaa ammaanka dalkeenna, loogana maarmi lahaa ciidanka shisheeye ee na kaalmeynayo hadda.
Tallaabadaa inaga ayeey nagu xiran tahay haddaan nahay dawladda iyo dadka soomaaliyeed.
Waxaan mahad gaar ah u celinayaa dawladaha naga taageera dib u dhiska ciidankeenna oo ay hormuud ka tahay dawladda Maraykanka.

Dhaqangelinta sharciga iyo dib u habaynta hay’adaha garsoorka

Waxaan naga wada qarsoonayn mugdiga wayn ee dawlad la’aanta inuu keenay caddaalad darro, taasoo abuurtay in lagu kalsoonaan waayo hay’adaha garsoorka. Waxaannu qaadnay muddadii la soo dhaafay tallaabooyin cad cad oo la xiriiro dib u habaynta caddaaladda iyo hay’adaheeda.

Dib u yagleelidda xafiiska Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka waxaan ku tilmaamayaa inay tahay tallaabo la sugayey muddo soddomeeyo sano ah. Maanta waxaa gobollo badan oo dalka ah ka howlgala xeer-ilaaliyaal leh aqoon iyo xirfad, waxaa xusid mudan in dumarku kaalin mug leh ku yeesheen hawlaha xeer-ilaalinta.

Waxaa la baabi’yay xarumahii dokumentiyada been abuurka, waxaana tallaabooyin cad laga qaaday soo dajinta, keenista iyo isticmaalka maandooriyaasha, dhoofinta dhuxusha, xoolaha dheddiga ah iyo ugaarta, soo dejinta daawooyinka iyo raashinka dhacay.

Waxaannu maraynaa tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee dib-u-dhiska Golaha Adeegga Garsoorka.

Horumarka Dhaqaalaha iyo maamulka maaliyadda

Horumarinta dhaqaalaha iyo wanaajinta maamulka maaliyadeed waxuu ka mid ahaa tiirarka mudnaanta u leh dawladda Soomaaliyeed. Guud ahaan sida warbixinaha hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah ay qirayaan. Sannadkii 2014 heerka wax soosaarka dalkeenna waxuu gaaray heerkii ugu sarreeyay iyadoo dibadda loo dhoofiyay qiyaas dhan US$818 malyan. Waxaa xusid mudan kaalinta mugga leh ee ganacsatada Soomaaliyeed kaga jiraan kobcinta dhaqaalaha dalka.

Waxaan ku boorrinayaa inay xoojiyaan kaalintooda kaga aaddan horumarinta kaabayaasha wax soo saarka.
Mashaaricda dhismaha kaabayaasha ee waawayn sida jidadka, dekedaha, garoomada, korontada iyo biyaha waxay u xayiran yihiin in xal loo helo daymaha lagu leeyahay dalka. Waxaan maanta idiin caddaynayaa in daymaha lagu leeyahay dalkeenna ay dhan yihiin US$ 5.2 bilyan. Dayntani 93% waa kuwo kororkooda ay keentay daymo bixintooda nagu baaqatay. Waxay dawladdu iyadoo kaashanaysa haydaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo dalal aynu saaxiibbo nahay dejisay qorshe sidii loo cafin lahaa amaba dib loogu dhigi lahaa deymahaas, waxaana socoto qabanqabada shirweyne caalami ah oo arrimahaas looga hadlayo dhammaadka sannadkan 2015.

Si loo ilaaliyo daahfurnaanta maaliyadeed, bixinta qandaraasyada iyo wax soo gadashada waxay dawladdu dhistay Guddiga Maamulka Maaliyadda (FGC) kaasoo ka kooban hay’adaha maamulka maaliyadda dawladda iyo hay’adaha maaliyadda Caalamiga sida Bankiga adduunka, Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Horumarinta Afrika. Baarlamaanka waxaa guddigaas u matala Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda.

Waxaad la socotaan in waayahan dambe soo kordhayo cadaadiska ku imaanayo adeegyada maaliyadeed gaar ahaan xawaaladaha oo laga qabo tuhun ah inay marin maaliyadeed u yihiin argagixisada caalamiga balse aan hubno in xawaaladahu lafdhabar u yihiin nolosha dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Si loo badbaadiyo xawaaladahaas iyo hantida shacabka Soomaaliyeed waxay dawladda ku howlan tahay Qorshaha Ilaalinta Adeegga Maaliyadeed ee Xawaaladaha iyadoo la kaashanayso hay’adaha maaliyadda Adduunka iyo dalalka Maraykanka iyo Britain.

Inkastoo horumar ballaaran ka muuqdo dhanka maamulka maaliyadda haddana waxaan doonayaa inaan runta ka sheego inay jiraan cillado iyo duldulleelo badan oo u baahan in xal loo helo. Waa dhab in dalka uu soo maray burbur xad dhaaf ah oo saameeyay shuruucdii, hay’adahii iyo dhaqankeenna mas’uuliyadeed, hase yeeshee taasi nagama cafinayso inaan ku dhaqanno nidaam maaliyadeed oo hufan si aan u hanano kalsoonida shacabkeenna, maalgaliyayaasha iyo tan deeq bixiyayaasha.

Dibloomaasiyadda iyo Xiriirka Caalamiga

Maanta ma jecli inaan ku dheeraado diblomaasiyadeenna iyo xiriirka caalamiga ah, sababtoo ah dal waliba qiimahiisa dibadda uu ka joogo waxuu la’eg yahay hadba sida xaaladda gudahiisa ay tahay.

Waxaannu ku guulaysannay inay Soomaaliya, oo aad ogtihiin inaan la soo xusi jirin sanado badan, ay maanta kamid tahay bulshada caalamka, laguna xisaabtamayo taladeeda iyo ra’yiga ay siyaadda dunida ka qabto. Waxaannu diiradda saarnay in mawaaqifteenna siyaasadda dibadda ay ku dhisnaato hadba meeshii danta Soomaaliya ay ku jirto. Waxay soomaaliya yeelanaysaa saaxiibbo ay ku tashato xilli kasta. Waxaan leenahay door muuqda oo ku saabsan arrimaha IGAD, AU, AL, OIC iyo UN.

Waxaan ka xumahay in xilli ay Soomaaliya ku sii socoto waddada degenaanshaha ay colaado cusub ka furmeen dalal saamayn ku leh degenaanshaheenna sida dalka Yemen oo jaar nahay. Soomaaliya waxay la mowqif tahay dunida ay ka tirsan tahay ee Caalamka Carabta iyo Caalamka Islaamka. Waxaynu fahmaynaa raadka xun ee ay leedahay in si sharci darro ah iyo xoog loo adeegsado ridista nidaamka dawladeed, waxaynu isha ku haynaa xaaladda qaxootiga soomaaliyeed ee dalka Yemen.

Waxaan sidoo kale ka xumahay inay soo kordheen falalka argagixso ee lagu hayo dalka Kenya, taasoo raad wayn ku yeelanaysa xaaladaheenna iyo dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya. Waxaannu caddaynaynaa sida aan u garab taagannahay Kenya iyo meel looga soo wada jeesto la dagaallanka argagixisada oo aan lahayn midab, dal iyo diin toona. Waxaan jeclahay inaan caddeeyo in qaxootiga Soomaaliyeed iyo ganacsatada Kenya ku nool looga baahan yahay inay raacaan sharciyada dalka ay ku nool yihiin, sidoo kale madaxda iyo dawladda Kenyana waxaanu siyaabo kala duwan uga hadalnay in dadka soomaaliyeed aanan loo ciqaabi karin falal aysan iyagu gaysan.

Xaaladahaa sii xumaanayo ee dunida ka jira oo ay ka mid yihiin faquuqa, isir nacaybka, beegsiga iyo argagixisonimada waa inay dadka Soomaaliyeed ku kordhisaa garaadkooda waddan jacayl iyo inaad haybad ku leedahay dalkaaga hooyo. Maantana mas’uuliyiinteennan waxaa la inooga baahan yahay inaan waqti badan ku bixin siyaadaha iyo dhaqamada dunida kale sidii aan u beddeli lahay ee aan waqti, talo iyo fikirba galinno sidii dalkeenna u noqon lahaa meesha muwaadinka Soomaaliyeed uu ugu sharaf badan yahay inuu ku noolaado.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya iyo beesha caalamka uu dhexmaray COMPACT heshiis ah sidii loo gaari lahaa yoolalka dib-u-dhiska nabadda iyo dawladnimada. Labadii sano ee la soo dhaafay, dhammaan hay’adaha dawladda ee ay khusayso waxay ka shaqeeyeen in la dhiso qaabkii wada shaqaynta ee beesha caalamka iyo dawladda Soomaaliyeed. Waxaa marag ma doonto ah in dowladda Soomaaliyeed ay ka soo baxday kaalinteedii. Waxaa xusid mudan in aysan jirin hanti wax ku ool ah oo soo gaartay dawladda Soomaaliyeed kuna saabsan yaboohii NEW DEAL-ka.

Waxaan ka sheegay dhammaan kulamadii heerka sare ee Muqdisho iyo Copenhagen in beesha caalamka aan uga fadhino in ay fuliso kaalinteedii heshiiskan. Waxaannu dalbannay in naloo caddeeyo siyaabaha ay ku baxaan kharashyada deeqaha oo aanay dawladda Soomaaliyeed waxba ka ogayn. Dadka Soomaaliyeed waxuu xaq u leeyahay inuu la socdo ugu yaraan waxa magaciisa ku baxayo.

Waxyaabaha ina horyaallo

Waxaan jeclahay inaan wada xusuusanno inay maanta dib u qormeyso taariikhdeenna, gole ahaan iyo shakhsi aahaanna na looga baahan yahay inaan qabanno wax la inagu xusuusto. Taariikhda meel weyn kuma laha kuwa wax burburiya, mana jirto cid ku faani doonto doorkii ay ku lahayd burburinta qaranimada, hor istaagidda dowlad dhisidda.

Sidoo kale waxa ka hooseeya qaranimada ee ku salaysan danaysiga iyo caadifadda qabiil marna ma mudna in qiime aysan astaahilin la siiyo. Maanta ayaynu fursad u haysannaa inaan noqonno kuwa taariikhda wanaagsan samaynayo. Waxaan aad ugu mahad celinayaa wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee naftooda u huraya qarannimada iyo dawladnimada, kuwa sida daacadda ah ugu soo jeedo dhismaha hay’adaha dawladnimo iyo kuwa ka shaqeeya inay muujiyaan dhanka wanaagsan ee dalkeennu leeyahay.

Marar bay isoo martaa muuqaalka foosha xun ee ay bixinayaan kuwa ma kastada ah ee doonaya inay dadkeenna iyo dunidaba ku qanciyaaan inaan rajo lahayn, misana waxaa tirtira muuqaalkaas kuwa qalbiga san ee daacadda ah ee wax kastoo na haystaba ka eega dhanka wanaagsan. Waa su’aale maanta xaalkeenna siyaasadeed, nabadgelyo iyo kan dhaqaale miyuu ka liitaa sidaan ahayn sannado dhaw ka hor, jawaabtu waa marag ma doonto. Taasi mahaddeeda waxaa iska leh Allaha wayn ka sokoow, inta qalbiga fiyoow ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan doonayaa halkaan inaan ka soo jeediyo baaq:

1- in albaabka wadahadalka uu u furan cid kasta oo aan doonayn inay xoog wax ku xaliso, isla markaana ka tanaasusho ajandayaasha argagixisonimo ee shisheeyaha inooga yimid. Waxaan bogaadinayaa shakhsiyaadka qaatay go’aanka nabadda oo maanta la shaqeynaya dawladda Soomaaliyeed.
2- Waxaa kale ee aan ku baaqayaa in la qabto shirweyne Qaran oo lagu soo gudbiyo talooyinka wax ka tari kara mustaqbalka siyaasadeed ee dalkeenna, kaasi oo ay ka shaqaynayaan hay’adaha dawladda, isla markaana uu shirkaasi dhaco billowga bisha Juunyo ee soo socoto.
3- Waxaan ku soo gunaanadayaa hadalkeyga yeynaan ka cararin mas’uuliyadda qowmiyadeed iyo midda qaran ee na saaran maanta ee ah inaan dalka ku soo celinno dowladnimo waarta oo ku timaada rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
HAYBAD WAXAAD KU LEEDAHAY DALKAAGA HOOYO
Kalfadhiga Lixaad ee Baarlamanka Federaalka Waa Furan Yahay