Khilaafka Siyaasiyiinta Somalia oo la sheegay inuu caqabad ku noqday Hawlgalka AMISOM ee ka dhanka ah Alshabaab.

Cilmi-baaris Cusub ayaa sheegtay inaysan Ciiddanka AMISOM gaari karin Hadafkooda,  ilaa ay Ciiddanka Somalia awood u yeeeshaan sugidda Ammaanka iyo in laga guuleysto Alshabaab.

Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee “The Heritage Institute for Policy Studies” oo ku yaalla magaalladdan Muqdisho ayaa soo saaray Warbixintaasi, waxayna sheegeen inaysan AMISOM xilligan keligooda ka guuleysan karin Alshabaab.

Warbixinta oo ka kooban 44 bog waxaa lagu muujiyey in Dagaalka Siyaasadeed ee u dhexeeya Kooxaha Somalia tahay caqabadda ugu weyn ee hor taagan inay AMISOM horey u dhaqaaqaam,iyagoo taageero ka helay Saaxiibadooda kale.

Warbixinta oo ay si wadajir u soo diyaariyeen Madaxa Machadka The Heritage, C/rashiid Xaashi iyo Professor u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Paul Willams waxaa kalooo lagu xusay Khilaafka dhinaca Siyaasadda ee Somalia uu hor-joogsan karo Xaqiijinta Hadafka Hiigsiga Hawlgalladda Ammaanka ee ka socda Somalia.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Hawlgalka AMISOM u muuqdo mid Lacag lagu samaynayo, isla markaana la doonayo inay AMISOM muddo dheer sii joogaan gudaha Somalia, xilli ay Deeq-bixiyayaasha Caalamka ku kharaj gareeyaan Hawlalka AMISOM lacag dhan 900 million oo Dollar sannadkiiba.

Dhinaca kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in Moraalka AMISOM raad ku yeeshay Khasaarooyinkii ka soo gaaray weeraradii lala beegsaday  saddexdii  bilood ee la soo dhaafay, iyagoo weeraro gaadmo ah kala kulmay Xarakadda Alshabaab.

©Radio Dalsan         

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor