Khilaaf soo kala dhex galay taliyaha Xoogga dalka & la taliyaha Amniga Madaxweynaha

Waxaa haatan soo ifbaxaya khilaaf u dhaxeeya taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod iyo la taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali.

Khilaafkan ayaa yimid kadib markii la taliyaha Dhanka Amniga Madaxweynaha uu Warqad u qoray taliyaha Xoogga dalka taas oo aheyd in la joojiyo isla markaana aan amar la’aan la qeybin hubka iyo rasaasta Ciidamada sidoo kalena aan lala wadaagin Beesha Caalamka wax macluumaad dhanka Ciidanka ah.

Warqadaas ayaa waxaa ka carooday taliyaha ciidanka xoogga dalka kaas oo durbaba soo saaray warqad kale oo digniin ah taas oo ku socota la taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali.

Warqada ayaa digniin loogu diray la taliyaha dhinaca Amniga Madaxweynaha taas oo lagu sheegay in uusan awood u laheyn in uu soo farageliyo Arrimaha Ciidamada isla markaana auu tallaabo kasta oo dhanka Ciidanka ah uu awood u leeyahay taliyaha Ciidanka xoogga dalka Cabduweli Jaamac Gorod.

Ugu dambeyn Warqada jawaabta ah ee ka soo baxday Xafiiska taliyaha xoogga dalka ayaa waxaa la ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Warqadaha ay isku direen taliyaha Xoogga dalka iyo la taliyaha Ciidanka Amniga ee Madaxweynaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media