Khilaaf soo kala dhex galay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya

Waxaa soo baxaya khilaaf hor leh oo soo kala dhex galay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ah Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose khilaafkaas oo dhanka awooda ah.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoray Warqad uu kaga soo horjeedo shir la iclaamiyay in ay Baydhabo ku yeeshaan Golayaasha Sharcidejinta Dowlad Goboleedyada kaas oo uu qaban qaabiyay Golaha Shacabka.

Warqadaan ayaa la ogeysiiyay Madaxweynaha,Guddoonka Golaha Shacabka, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyayaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada waxana lagu dalbaday in shirkaas la joojiya kaas oo loo arkay in uu caqabad ku yahay Federaalka.

Sidoo kale Qoraalka ka soo baxay Guddoonka Aqalka Sare lagu sheegay in Golaha Shacabka uu u Shaqeynayo sidii in uusan jirin Golaha Aqalka Sare silmid ah Baarlamaankii 9,aad,waxaana lagu wargeliyay in Aqalka Sare uu xilka saaran yahay Matalaada dowlad goboleedyada isla markana uu yahay mid ilaaliya ku dhaqanka iyo xoojinta Nidaamka Federaalka.

Ugu dambeyn waxaa la faray in Gudoomiyayaasha Baarlamanada Dowlad goboleedyada in aysan ka qeybgalin shirkaas ka dhacaya Magaalada Baydhabo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media