Khilaaf ka dhashay Soo Magacaabista Golaha Wasiirada Puntland

Maanta ayaa lagu balansanaa in Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,in uu soo Magacaabo golihiisa Wasiirada,wxaan muuqatay caqabado hor leh oo ka horyimid Magacaabistaas.

Xogaha ay heleyso Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in arinta dib u dhigtay Magacaabistaas ay tahay diidmo ka timid Wasiirkii Arrimaha gudaha dowladdaha Hoose ee Puntland Axmed Karaash,oo la sheegay in Wasarad kale la geynayo.

Kulamo laga duwan ayaa Caawa ka socda Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe taas oo lagu xalinaayo khilaafka Madaxweyne Gaas iyo Axmed Karaash.

Madaxweyne ku xigeenka puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey,ayaa qeyb ka ah dadka xal u raadinaya arinta labada dhinac,iyada oo sidoo kale waxgaradka Puntland dhankooda ay Caawa qeyb ka yihiin kulamada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media