Khasaaro ka dhashay Weerar ka dhex dhacay Tareenkii ay Dad ku safrayeen

Toban qof ayaa lagu dhaawacay Weerar Tooreey oo ka dhex dhacay Tareenkii ay ku safrayeen, sida ay sheegeen Saraakiisha Tareenada ee caasimadda dalka Japan ee Tokyo.

Weerarkaasi waxa uu gelinkii dambe ee shalay ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Tareenada laga raaco ee Seyjokuen oo ku yaallankii  Tokyo.

Warbaahinta NHK waxay magaca Eedeysanaha weerarka geystay ku sheegtay Yusuke Tasushima oo 36-jir ah, kaasi oo ay Ciiddamada qabteen, xilli uu doonayey inuu baxsado.

Caasimadda dalka Japan ee Tokyo waxay haatan marti-gelinaysaa Tartanka Olombikada Adduunka oo heer gebagebo marayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor