Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho

Fiidnimadii Caawa ayaa waxaa qarax Miino uu ka dhacay wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye kaas oo la sheegay in uu geestay khasaaro dhaawac ah.

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso,ayaa waxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo watay laba gaari oo kuwa dagaalka ah xili ay marayeen meel aan ka fogeen deegaanka Siinkadheer ee duleedka Muqdisho.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo diiday in Magaciisa iyo Codkiisa  in loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaas ay ku waxyeelobeen ilaa 5 ka mid ah Ciidamadii lala eegtay.

Qaraxa kadib Ciidamada ayaa sameeyay howlgal,iyada oo howlgalkaas aysan jirin cid ilaa iyo hada lagu qabtay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in xaaalda ay iminka tahay mid caadi ah islamarkaana ciidamadii qaraxa lala eegtay oo ku soo jeeday muqdisho ay Sinabad ah ku soo gaareen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media