Khasaaro ka dhashay Madaafiic ku dhacday qeybo ka mid ah Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya hoobiyayaal xalay ku dhacay qeybo ka mid ah xaafada laba dhagax ee degmada Wartanabada.

Hoobiyaashaan oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa ku dhacay Goob dukaan ah oo ku taala Xaafada laba dhagax,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ay ku dhaawacmeen ilaa 5 ruux.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa intaasi kadib baadi goob u galay halka laga soo tuuray hoobiyayaashaas walow aysan ku guuleysan in ay ogaadaan.

Dhanka kale waxaan xiriir la sameynay Maamulka degmada Wartanabada si aan wax uga weeydiino khasaaraha guud ee ka dhashay  balse nooma suurtagelin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media