Khabiir Xoolaha oo sheegayo in la cuni karo Hilibka Dameeraha !!!

Dr. Stanley Chepkwony oo xubin ka ah Guddiga Fulinta ee Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Gobalka Nakuru ayaa u sheegay dadka Deegaanka inuu  hilibka Dameeraha yihiin yahay mid la cuni karo.

Isagoo Xafiiskiisa kula hadlayey waxa uu dadka Deegaanka ka walaacin arrintaasi, wuxuuna intaasi ku daray inaan la iibin karin hilibka iyadoo aan la helin Warqadda Kormeerka.

Arrintan ayaa timid, kadib, markii la shaaciyey in Kawaan lagu gawraco Dameeraha laga furi doono Naivasha.

“Hilibka Dameeraha waa nabad, waana u fiican yihiin dadka, waxay la mid yihiin hilibka  xoolaha kale, haddii si fiican loo qalo, laguna dadaalo nadaafadiisa” ayuu yiri Dr. Chepkwony oo intaasi ku daray inaan weli la furin Kawaan lagu qalo.

Waxa uu tilmaamay inaysan Dowladda Qaranka weli oggolaansho bixinin si loo cuno hilibka Dameeraha.

Dr Chepkwony waxa kaloo uu tilmaamay inuu rajeynayo inuu isbedel dhaqaale dareemi doonaan dadka ku nool Naivasha iyo Nakuru marka la bilaabo cunista hilibka.

Waxa kaloo uu sheegay inhilibka loo dhoofin doono dalka Shiinaha, oo ay codsiyo ka yimaadeen.

Dhinaca kale, waxa uu beeniyey in Kawaanka lagu gawrici doono Dameer Farowga (Zebras), oo la sheegay inay u dhigmaan Dameeraha.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor