Khabiir saadaaliyey inay Alshabaab sii badbaadi karaan muddo 30-sanno.

Iyadoo ay dhawaan dhowr Qarax ka kala dhaceen magaallooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxay Khubarada Caalamiga hadal-hayaan Awoodda ay Alshabaab u leeyihiin inay Hawlgalladaooda ka sii wadaan Somalia iyo dalalka deriska la ah.

Khubrada waxay tilmaameen inay Alshabaab markii ugu horreysay qarax guri-ku-samays ah oo culayskiisu dhamaa 200 oo Kiilogaram u adeegsadeen Qarixii ka dhacay agagaarka Hotelka iyo Barxadda SYL, waana qaraxii labaad ee noociisa ee ay Alshabaab adeegsadeen, iyadoo kii  ugu horreeyey ee noocaasi ah la sheegay inay bishii July ee sannadkii hore la beegsadeen Hotelka Aljazeera Palace ee magaalladda Muqdisho.

Khabiir u dhashay dalka Norway oo lagu magacaabo Stig Jarle Hansen ayaa sheegay inay Alshabaab sii badbaadi karaan muddo 30-sanno oo soo socota, waa sida uu hadalkau dhigay.

Hansen oo ah Khabiir iyo Qoraagga  ugu magac daray Buuggiisa soo socda “On Jihad in  Africa” ayaa tilmaamay inay Ciiddanka AMISOM ku dagaalamayaan waxa uu ugu yeerat Dagaal Qaldan, iyagoo eeganaya danahooda u gaarka ah.

“AMISOM waxay  ku dhex jiraan Xerooyinka Ciiddanka, isla markaana waxay dibedda u soo baxaan hal mar toddobaadkiiba, iyadoo inta ka hartay Isbuucan ay Alshabaab wax kasta ugu sarreeyaan, ayuu yiri Khabiirkaasi.

Stig Jarle Hansen ayaa tilmaamay in Alshabaab oo taageero gudaha ka hela ay sii badbaadi karaan muddo 30-sanno, waa sida ay Khabiirka ka soo xigatay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP.

Dhinaca kale, Matt Bryden oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmi-baarista ee Sahan Research ee fadhigeeda dhexe ku taallo magaalladda Nairobi ayaa in weeraradda Alshabaab horey ugu qaadeen Ciiddanka Burundi, Uganda iyo Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM inay Alshabaab waqti badan geliyaan si ay uga fekeraan, u qorsheeyaan uguna diyaar-garoobaan weeraradda ay qaadaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Matt Bryden waxa uu xusay in duqeynta AMISOM lagu hayo inay micno u samaynayso Alshabaab, waayo waxaa halkaasi ka maqan hawshii Ciiddanka Qaranka.

Professor Ken Menkhaus, oo Macallin ka ah Davidson College ee dalka Maraykanka, waxa uu ku tilmaamay Weeraradda Alshabaab Kacdoon ay ku doonayaan inay ku carqaladaynayaa Isbedalka Dowladnimo ee Somalia ee dabayaaqadda Sannadkan, waa sida uu hadalka u yiri.

Xigasho: AFP

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor