Khabiir QM kala taliya Ammaanka Bariga Afrika oo sheegay inay Alshabaab bedeleen xeelladihii dagaalka

Benjamiin Mwema oo ah Kolonel hawlgab ah, oo QM kala taliya Ammaanka Bariga Afrika iyo Xeel-dheere Dr. Emmanyel Kisiang’ani oo ka tirsan Machadka The Institute of Security Studies ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab bedeleen Taartikadda ay ku dagaalamaan.

Khubarada ayaa sheegay markii ay Ciiddanka Kenya kala wareegeen Alshabaab magaalladda Kismaayo inay bilaabeen inay u dagaal-galaan iyagoo koox-koox u socda.

Khubaradda waxay kaloo sheegeen inay Alshabaab hadaf ka dhigtaan meelo muhiim ah, si ay u soo jiitaan Dareenka Saxaafadda.

Hadalka Khubaradda ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay Dagaalamayaasha Alshabaab dhawaan dab saareen Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya oo ku sii jeday Deegaanka Yumbis.

Xeeldheerayaasha waxay kaloo si adag u naqdiyeen qorshaha ay Dowladda Kenya ku dhisayaan Derbiga xayndaabka ee ay ka dhisayaan xuduudka ay Somalia la wadaagaan.

La-taliyaha QM ee Ammaanka dalalka Bariga Afrika, Benjamiin Mwema iyo Xeel-dheere Dr. Emmanuel Kisiang’ani waxay sheegeen in Kharajka lagu dhisayo gidaarkaasi u muuqato mid lagu khasaarinayo hanta faraa badan.

Dowladda Kenya ayaa u qoondeeysay lacag dhan 23 billion Kenya Shillings hirgelinta dhismaha gidaarkaasi oo dhererkiisu dhan yahay 700-KM.

La-taliyaha QM ee Ammaanka dalalka Bariga Afrika, Benjamiin Mwema waxay dowladda Kenya kula taliyeen inay u adeegsadaan Diyaaradaha aan Duuliyaha Lahayn ee Droneska, si loogu ilaaliyo dhaqdhaqaaqyadda dhulka xuduudka.

Khabiirku waxa uu tilmaamay in halkii Drones qiimaheedu yahay 1,500 Dollar, iyado Kharajka lagu dhisayo Gidaarka dheer lagu iibin karo 8,000 oo Drones ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joseph Nkaissery ayaa ka gaabsaday  inuu ka hadlo dhismaha Derbigaasi, wuxuuna tilmaamay inaan Istaraatijiyada la shaacin karin.

© Warqabadka Dalsan Radio