(KHAAS): Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM oo la qorsheynayo inay booqasho Hawleed ku yimaadaan Somalia.

Iyadoo ay xubnaha Golahaasi xalay ka wada xaajoodeen Xaalladda Somalia ayaa waxa uu Guddoomiyaha cusub ee Golahaasi ee bisha soo socota oo u dhashay dalka Masar soo gudbiyey codsi ku aadan inay Golaha Ammaanka booqasho hawleed ku soo kala bixiyaan dalalka Somalia, Masar iyo haddii ay suurtogal tahay dalka Eritrea.

Wargeyska Inner City Press ee ka soo baxa Maraykanka ayaa loo soo dusiyey qorshaha Socdaalkaasi, inkastoo Dowladda Maraykanka codsatay in booqashadda laga saaro dalka Eritrea, maadaama ay Golaha Ammaanka ee QM horey ugu dareen Liiska Cunaqabataynta saaran dalkaasi.

Ilo dhinaca Maraykanka ayaa u sheegay Wargeyska Inner City Press inaysan doonaynin in socdaalka Golaha Ammaanka qeyb ka noqoto Eritrea.

Dhinaca kale, Dowladda Eritrea ayaa lagu eedeeyaa inay taageeraan Xarakadda Alshabaab Somalia iyo Kooxaha Yemen, inkastoo aan weli caddayn buuxda loo haynin arrinkaasi iyo inay Eritrea caqabad ku tahay Ammaanka iyo Nabadda Gobalka Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor