Maalmo Kadib Khaadka oo Maanta Dib Loo Keenayo Dalka Soomaaliya

Diyaarada gaaraya 16 oo hore u keeni jiray khaadka ayaa Maanta dib u bilaabaya Duulimaadkooda Muqdisho ay ku imaan jireen Seddex cisho kadib markii la joojiyay.

Muran weyn oo ka taagnaa qiimaha ay ku soo iibiyaan Ganacsatada khaadka iyo lacagta canshuurta oo badan awgeed ayaa loo joojiyay khaadkii la keeni jiray Dalka balse Maanta Dib ayaa loo bilaabayaa kadib heshiis ay wada gaareen Ganacsatada khaadka iyo Beeraleyda khaadka ee Dalka Kenya.

Heshiiska waxa uu ku saabsan yahay qiimo dhimis weli aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu la egyahay lkn la isku afgartay.

Khaadka ayaa dhibaato weyn ku haaya Dalal Soomaaliya ay ku jirto.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor