Kenyan la sheegay inay ka tirsanaayeen Alshabaab oo lagu dilay Malindi.

Ciiddanka Kenya ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ayaa sheegay inay saakayto  Afar nin oo lala xiriirinayo Alshabaab ku dileen Deegaanka Kawajooja ee hoos tagta Degmadda Malindi ee Xeebta leh.

Suleiman Mohammed AwadhWargeyska Daily Nation ayaa qoray in ragga la dilay ay ka mid ahaayeen Sulaymaan Maxamed Awadh iyo Issa Ali, oo Kenyan ah, kuwaasi oo horey madaxooda loo dul dhigay abaalmarin lacageed oo min 2 million oo Kenya Shillings.

Taliyaha Boliska  ee Malindi, Matawa Machangi ayaa sheegay inay Boliska saqdii dhexe ee xalay weerareen guri ay ku jireen raggaasi oo ku yaalla meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha ee Malindi, waxaana la tilmaamay inay labada dhinac isweydaarsadeen rasaas.

Waxa kale oo uu sheegay  inay dadka deegaanka u soo far muuqdeen guriga ay ku jireen Xubnaha lala xiriirinayo Alshabaab.

Dhinaca kale, waxa uu carrabka ku dhuftay inay Hawlgalkaasi ka baxsadeen 3 kale oo lala xiriirinayo Alshabaab,  kuwaasi oo uu sheegay inay ku hubeysan yihiin Qoriga AK 47.

Boliska waxay guriga ay weerareen ka heleen 5 bam gacmeed, Bistoola nooca Beretta Pistol, rasaas, Mobaylo, SIM Cards iyo Waraaqo Aqoonsi, waa sida ay ku andacoodeen.

Matawa Muchangi

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor