Kenyan iska dhigi jirey Sarkaal Bolis oo laaluush ka qaadan jirey Ganacsatadda Soomaalida oo la xiray.

Nin lagu magacaabo Wilson Irungu oo Kaaliye u ah Caaqilka Xaafadda Waqooyiga Islii ee Nairobi ayaa la filayaa in maanta la soo taago Maxkamadda Makadara ee  magaalladda Nairobi.

Eedeysanaha ayaa la xiray kadib, markii uu Soomaalida Kenyaanka ku ganacsata Suuqa Islii ka codsaday inay bixiyaan Laaluush, haddii kale uu ku soo oogi doono inay Argagixiso yihiin.

Sarkaal ka tirsan Saldhigga Boliska Starehe ee Nairobi oo lagu magacaabo Kiberenge Seroney ayaa sheegay inay dadka Deegaanka ku soo wargeliyeen cabsi-gelinta uu Eedeysanahaasi ku hayo Ganacsatada Soomaalida ee ku sugan goobaha Ganacsiga ee Xaafaadda Islii.

Si kastaba ha ahaatee, Dhaqanka Handadaada iyo codsiga Laaluushka waxay caadi ka tahay dalka Kenya, iyadoo inta badan Boliska Kenya beegsadaan dadka Soomaalida ee aan Aqoonsiga wadanin, kuwaasi oo ay hadday ka waayaan Laaluush ku soo ooga  Dembiyo la xiriira Kooxaha Argagixisadda.

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor