Kenya:Haweeney Soomaali ah oo isku ekeysiisay Walaasheed oo dacwad loo heysto

Boliska magaalladda Mombasa ayaa la sheegay inay xireen Cabdiyo Aadan Cali, taasi oo la sheegay inay doonaysay inay iska dhigto Walaasheeda oo lagu magacaabo  Xaliimo Aadan Cali, taasi oo ay dacwad kaga socoto Maxkamadda Mombasa.

Shabakadda hivisasa.com ee Kenya ayaa qortay in Cabdiyo Aadan Cali isku-dayday inay hor tagto Maxkmadda, iyadoo isku muuqaal ekeysiisay Walaasheeda oo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan tahay Alshabaab.

Cabdiyo Aadan Cali ayaa Maxkmaadda tegtay, iyadoo xiran Indha-shareer, iyadoo Maxkamadda dhegsyigii ugu dambeeyey ka yeelan lahayd eedeynta loo haysto Walaasheeda oo aan Maxkamadda soo xaadarin.

Xaliimo Aadan Cali waxaa markii ugu horreysay lagu xiray Mombasa bishii April 3-dii ee sannadkii 2015-kii, waxaana lagu soo oogay inay ka tirsan tahay Alshabaab, balse waxaa Xabsiga Shimo La Tewa ee magaalladda Mombasa damiin ahaan looga sii daayey  bishii April 23-dii ee sannadkii hore ee 2017-ka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor