Kenyaatiga oo 70% rumeysan inay Alshabaab cabsi xooggan ku tahay dalkooda

Sahan laga qaaday dadka Kenyaatiga oo ay ku muujiyeen in cabsida ugu xooggan badan ee ay ka qabayaan tahay Weeraradda Alshabaab ka fuliyaan dalkooda, iyadoo dadka Kenyaatiga  70% rumeysan yihiin  inay Alshabaab cabsi xooggan tahay dalkooda.

Daraasaaddan oo ay ururisay Hay’adda IPSOS SYNOVATE ayaa la baahiyey shalay, iyadoo 66% Kenyaati la wareystay ka hor weerarkii Alshabaab ee Jaamacadda Garissa ayaa sheegay inay Alshabaab ka baqanayaan.

Cilme-baaraha soo ururyey Sahankaasi oo lagu magacaabo Tom Wolf ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ogaado in uu baaritaankan hoosu dhigaynin khatarta ay Kenyaatiga ka qabaan Xarakadda Alshabaab.

Cod-ururinta waxay muujinaysaa in 73% Muwaadiniinta Kenya ka walaacsan yihiin Joogitaanka Ciiddanka Kenya ee gudaha Somalia, iyagoo rumeysan in joogitaankaasi kordhinayso weeraradda ay Alshabaab ka geystaan Kenya iyo inaysan Qaxootiga Soomaalida jeclaysan doonin inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Sahanka waxa kaloo uu muujiyey inay dadka Kenyaatiga aad u danaynayaan in Ciiddanka lagala soo baxo gudaha Somalia, isla markaana ay ka hawlgalaan Deegaanadda ku teedsan xuduudka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor