Kenyaati la sheegay inuu Alshabaab uga wakiil ahaa Mombasa oo la qabtay

Taliyaha Boliska ee Gobalka Mombasa, Robert Kituur ayaa sheegay inay gacanta ku hdigeen Nin Kenyaati oo lagu tuhunsan yahay inuu ahaa Maalgeliyaha Alshabaab dadka uga soo tashkiiliya magaalladda Mombasa.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Saalim Bindo oo 45 jir ah ayaa lagu tuhunsan yahay inuu maalgelin siiyo Dhallinyarradda ku biiriyo Alshabaab ee ku nool Degmooyinka Likoni iyo Kawale ee Gobalka Xeebta.

Ciiddanka Boliska Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda ayaa la sheegay inay soo qabteen Saalim Bindo, isla markaana ay ku hayaan baritaano Mobaylkiisa iyo Dukumentiyo kale oo uu lahaa.

Eedeysanahaasi oo madax ka ah Urura NGO ah oo lagu magacaabo Likoni Community Development (SACCO) ayaa waxay Maamulka Mombasa diiwaangeliyeen sannadkii hore.

Boliska ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Dallada SACCO loogu talagalay sidii Dhallinyarradda loogu tashkiilin lahaa inay ku biiraan Xarakadda Alshabaab, waa sida uu ku dooday Taliyaha Boliska Mombasa, Robert Kituur.

Dhinaca kale, Eedeysanaha ayaa lagu wadaa in berrito la soo taago Maxkamadda Mombasa, isagoo loo haysto dacwado la xiriira inuu faraha kula jiray waxa loogu yeeray dhaqdhaqaaqyo Argagixiso.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor