Kenyaan lagu eedeynayo inuu taageero Alshabaab oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Nairobi.

Nin Kenyaan ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Xarakadda  Alshabaab ayaa lagu soo oogay inuu qorsheynayey Weerar lagu qaado Maxkamadda MILAMAANI iyo Dhismayaal Dowladeed oo ku yaalla magaalladda Nairobi, waaa sida hadalka loo dhigay.

Dacwad-oogayaasha Maxkamadda waxay ku eedeeyeen  Francis Macharia Karishu inuu qorsheynayey inuu weerar ka geysto Kenya bishii Feberaayo 15-dii ee sannadkan, waa sida hadalka loo dhigay.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Francis Macharia Karishu waxa uu beeniyey dacwadihii lagu soo oogay oo kala ahaa inuu xubin ka yahay Alshabaab, inuu weerar qorsheynayey iyo inuu  Waraaqaha Aqoonsiga ee dalkaasi u sameeyey Dagaalyahan Alshabaab oo magaciisa lagu sheegay JIMA HUKA GALGALO oo mar hore la dilay, waa sida uu hadalka u dhigay.

Eedeysanaha waxaa bishan May 20-dii laga soo qabtay Deegaanka KAYOLE ee magaalladda Nairobi, kadib, markii ay Boliska Kenya sheegeen inay madaxiisa dul dhigeen lacag dhan Hal million oo Shillinka Kenya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media